2 Wiil oo Aabahood Wabiga Shabeelle ku tuuray iyo Gurmad loo fidiyay

Ciidamada Booliska degmada Jowhar iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Jowhar ayaa ka soo badbaadiyay labo wiil oo yar yar kadib markii uu aabahood uu ku tuuray wabiga.

Aabaha dhalay carruurtan oo qaba xanuunka dhimirka ayaa ka soo kaxeeyay labadan wiil guri ay walaashiis ku haysay xaafada Kulmis degmada Jowhar waxana uu ku tuuray wabiga,hase yeeshee ciidamo ka tirsan saldhigga booliska degmada Jowhar oo marayay Buundada kala qeybisa magaalada Jowhar ayaa arkay falka uu ninkan ku kacayo waxaana usuurtogashay dadaal kadib inay carruurta ka soo saaraan wabiga.

Labada carruur ayaa iyaga oo nool laga soo saaray wabiga sida uu u sheegay Xasan Maxamuud Weheliye oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Booliska degmada Jowhar.

“Aabaha dhalay ilmaha waxa uu noo sheegay in uu doonayay inuu wabiga ugu qubeeyo ilmaha.”ayuu yiri Xasan Maxamuud.

Dad badan oo qaba cudurada dhimirka ayaa ku nool magaalada Jowhar iyadoo lagu arkayo wadooyinka magaalada dad u badan dhalinyaro oo qaba cudurada dhimirka.

Halkan hoose ka daawo hooyo ka hadlaysa carruurta wabiga lagu ridey