2 Askari Faransiis ah oo la dilay xili ay ku guda jireen badbaadinta dad la af-duubtay

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in 2 askari Faransiis ah lagu dilay howlgal maxaabiis lagusoo furanayay oo ka dhacay wadanka Burkina Faso ee dhaca mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika.

sida lagu xaqiijiyay warsaxaafadeed kasoo baxay aqalka Elysee ee dalka Faransiiska looga arrimiyo ugu yaraan laba askari Faransiiska ayaa ladilay xilli ay ka qeyb qaadanayeen isku dayga howlgal xoogag hubeysan loogasoo furanay  dalxiisayaal reergalbeed ah.

Howlgalkan oo khasaara xooggan dhabarka loogu saariyay ciidamada Faransiiska waxaa lagusoo furtay illaa afar dalxiisayaal ah oo Koowdii bishan May lagasoo qafaashay wadanka Baniin ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Dalxiisayaasha lasoo badbaadiyay ayaa kala ahaa laba qof Faransiis ah, qof American ah iyo qof kale oo udhashay wadanka Koonfurta Kuuriya.

Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha Faransiiska ayaa murugo ku tilmaamay dhimashada 2 askari Faransiiska ah oo kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah utababaran  wuxuuna magacyadooda ku kala sheegay édric de Pierrepont iyo Alain Bertoncello.

Ciidamada Faransiiska ayaa caan ku ah in ay fuliyaan weerarada qorshaysan ee ay kusoo furanayaan maxaabiista, qorshaha weerarkan Burkina Faaso ka dhacay ayaa ahaa in maxaabiista Ajnabiga ah xoog lagusoo furto iyadoo wax khasaara ah uusan gaarin ciidamadii weerarka qaaday.

Sanaddii 2012 weerar fashilmay oo ciidamada Faransiiska ay ka fuliyeen degmada Buula Mareer ee Sh/Hoose ayaa sababay dhimashada 2 askari Faransiis ah iyadoona xoogaga Al Shabaab ay toogasho ku dileen maxbuus Faransiis ah oo gacanta ugu jiray.