Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo kale soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Xiligii Xasan Sheekh.

Shir ay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu meel mariyay magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit ayaa kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale qeyb weyn ku lahaa Ololihii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Farmaajo.