143 Xildhibaan oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 143 ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan,kadib markii tira dhowr jeer uu kooram la’aan u baaqday Kulanka Baarlamaanka.

Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Nuux ayaa sheegay in la yeeriyey tirada Xildhibaannada ka maqnaa Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka,isla markaana 143 Muane fasax la’aan uga maqan yihiin kulamada Baarlamaanka.

Wax auu sheegay in Xildhibaannada soo xaadiri waaya kulamada Baarlamaanka inta harsan uu mari doono waajibaadka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabduweli Ibraahim Muudey  ayaa sheegay in xildhibaannada kulanka ka maqan dhamaantood ay ku sugan yihiin Magalada Muqdisho.