14 Qof oo isku qoys ah oo duqeyn ay ku dileen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka

Kadib duqeymo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay Afar iyo toban ruux oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, duqeyntaas oo ka dhacday gobolka waqooyiga Afghanistaan ​​ee Kunduz.

Si gaar ah waxa ay uga dhacday degmada Chahar Dara oo ay sheegeen Mareykanku in ay xarun weyn u tahay dagaalyahanada Taliban oo weeraro ku qaada Maraykanka iyo Afghanistaan.

Isbahaysiga ayaa markii hore beeniyay in dhibanayaashu ay ahaayeen dad rayid ah, waxayna sheegeen in ay yihiin dagaalyahanno Taliban, sida ay sheegayaan wararka.

 Ma jirto khasaare kale oo ka dhashay oo ka dhashay duqeyntaan, balse Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ayaa si aad ah u cambaareeyay duqeyntaa ay halka mar ay ku geeriyoodeen 14-ka ruux ee isku qoyska ahaa.

Saraakiisha Afghanistan iyo kuwa Mareykankana wali kama aysan hadlin duqeyntaan, iyo halka uu ahaa bartilmaameedkooda.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 1,692 tan iyo markii Hay’adda Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afqaanistaan ​​(UNAMA) ay bilawday diiwaan-galinta dadka ku dhimanaya Afghanistan sanadkii 2009-kii.