Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari uu saarnaa Maxamuud Qooley oo ah taliyaha ciidamada Nabad suggida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana dhintay Askari ilaalo u ahaa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada NISA.
Dabley Hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ooda kaga qaadeen Gaariga yar oo uu saarnaa taliyaha.
Xilliga la weerarayay ayaa waxaa uu marayay taliyaha Xaafadda Xoosh.
Dableydii ka dambeysay falka lagu beegsaday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen, waxaana ay wateen gaari NOAH ah oo ay ku baxsadeen.