Xootiyiinta Yemen oo ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa waxa ka hadashay Khilaafka soo kala dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Kooxdaasi oo si weyn uga soo horjeedda dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Ammaan u soo jeedisay dowladda Soomaaliya waxaana ay dowladda Imaaraadka Carabta uga digtay Faragelinta Soomaaliya.

Maxamed Cali Xuuti  Madaxa guddiga kacdoonka ee ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in kooxdan ay taageersantahay Soomaaliya, go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay qirsan yihiin Imaaraadka Carabta ay ku xadgudbeen Qaranimadda Soomaaliya.

 “Waxaanu taageereynaa walaalaheen Soomaaliya, waxaan cambaareyneynaa faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya, waxaan kaloo Imaaraadka u sheegeynaa inay qashinkooda kala fogaadaan dadkaasi xorta ah” ayuu yiri Maxamed Cali Xuuti

Hadalka kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta Yemen waxaa uu ku aaday xilli uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.