XOG:Madaxweyne Farmaajo oo Dowlada Sacuudiga ka hadlay Saldhiga Berbera laga furayo iyo Heshiis Naxdin ku ah maaamulka Soomaliland oo la gaaray.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dowladda Sacuudiga ka codsaday in ay dowladda Imaaraadka Carabta  ay kala hadasho joojinta Saldhigga Militari ee ay ka dhisanayso Magaalo Xeebeedka Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale dowladda Sucuudiga ayuu ka  dalbaday Farmaajo in ay wada xaajood ay u furto Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta ,kasoo ku aadan joojinta Saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta.

Dowladaha Sucuudiga iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana suurtagal ah hadii ay dowladda Sucuudigu ay soo jeediso Imaaraadka in ay joojiyaan Saldhiga Berbera in ay Aqbasho.

Sidoo kale Wargeysyada dalka Sucuudiga kasoo baxa ayaa qoraya in Madaxweyne Farmaajo uu dowladda Sucuudiga uu u muujiyay sida uu kaga soo horjeedo Saldhiga.

Waxaa Muuqata in maamulka Cusub ee Madaxweyne Farmaajo in aysan taageersaneyn saldhiga Berbera , islamarkaana ay doonayaan in la joojiyo.