Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Antonia Guterres oo gaaray magaalada muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho , wafdigana ayaa iminka Kulan la leh Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres iyo wafdiga la socda ayaa la filaaya in ay Madaxweyanaha Soomaaliya kala hadlaan Xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii ay Qaramadda Midoobay taageero ula garab istaagi lahayd Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka Madaxweynaha iyo Antonia Guterres ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaalada abaaraha ee ka jirto Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee ka hortag iyo gargaar loo sameyn lahaa.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaadan doono Madax kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordho kulanka Socdo iyo Guud ahaan Safarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobaday iyo wafdigiisa Dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha allah.