Xoghayaha arimaha dibeda ee Britain Boris Johnson oo muqdisho soo gaaray

waxaa magaalada muqdisho soo gaaray xoghayaha arimaha dibeda Britain waxa uuna hadda ku suganyahay airportka caalamiga ah ee Adan cade

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Boris Johnson, waxaana la filayaa in goordhaw kulamo la qaato madax katirsan dowlada Soomaaliya.

madaxweynaha somaliya mudane maxamed cabdullahi farmaajo ayaana kulan gaar ah la qaadan doona waxayna ka wada hadli doonaan abaarta ka taagan wadanka somaliya

qorshaha kale ee Boris johnson ayaa ah sidii u madaxda soomaalida ugala hadli lahaa arimaha horumarinta, amaanka iyo sidii shirka bisha may ka dhacaya dalka britain loogu casuumi lahaa shirkaasoo looga hadlayo arimaha soomaaliya.