Xildhibaanada Golaha Shacabka oo mooshin cusub diyaarinaya iyo u jeedada..

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxay warbaahinta u sheegeen in ay wadaan qorshe ka dhan ah heshiiska Imaaraadka ay kula wareegeen Dekadda iyo Airportiga magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiisyadaas iyaga oo sidoo kale dhaliilay sida dowladda federaalka ah aan looga heyn wax jawaab ah uu ku saabsan heshiisyadaas.

Hadallada Xildhibaannada Golaha Shacabka Waxaa Ka Mid Ahaa:

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah golaha shacabka waxaa u sheegay in uu jiro qorshe Mooshin ah oo Xildhibaannada ku doonayaan jawaabo in ay u helaan arrimaha heshiiska Imaaraadka iyo maamulka Somaliland.

“Heshiisyada Berbera ee Imaaraadka ee Somaliland, waa su’aal taagan, hadda xukuumad la weydiiyo ma jirto laakin waxaan wadnaa qorshe in xukuumadda soo socota ay heshiiskaan ka jawaabto”.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa isna sheegay in dowladda looga fadhiyo in ay ka hadasho heshiiska Imaaraadka waxa ay ka ogtahay, isaga oo la yaabay waxa aamusiyay.

“ Waxaan u baahannahay in xukuumada ay baarlamaanka uga jawaabto su’aalaha ku saabsan heshiiska Berbera waxa ay ka ogtahay, xukuumaddan ama midda iman doonta, waa in aan helo jawaabo”.

Cismaan Cilmi Boqorre oo isna hadlay waxaa uu sheegayaa in waajibkooda aanu aheyn in ay daba galaan heshiisyo balse ay ka hadli doonaan haddii loo keeno baarlamaanka gudahiisa.

“ Aniga waajibkeyga ayaan suganayaa, oo ah in heshiiskaas ay xukuumadda na hor keento, kadibna aan jawaab ka bixiyo, oo aan sheego waxa iiga aadan

Qaar ka tirsan Xildhibaannada Golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta, waxaa ay diideen in ay arrinkaas ka hadlaan, kuwa kalena waxaa ay ku jawaabeen meeshaas  wax ka socda lama soconno, sidaa darted, ma naqaanno cid aan weydiiyo, ee iga daa adeer….iyo hadallo ku tusinaya in Xildhibaannada qaar aanay aqoon fiican ula hayn sababta loo doortay, mas’uuliyadda saaraan iyo shaqadooda intaba.

Dowladda federaalka ah, weli kama hadlin heshiiska Imaaraadkan ay la galeen Somaliland, heshiiskaan waxaa muuqata in Imaaraadka ay ku tunteen xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah halka dowladda federaalka ah oo shacabka mas’uul uga ah ilaalinta dhulka, dadka iyo diinta ka aamusan tahay waxa socda….Laakin Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa ku doodaya in aanay arrintaas ka aamusi doonin.

Xigasho Goobjoog.