Xiisada magaalada Nairobi oo kacsan kadib dilkii Askarta dhar cadka

Xiisada magaalada Nairobi ayaa kacsan kadib markii halkaas lagu dilay labo katirsan Askarta dhar cadka Kenya, Askartan ayaa waxaa dilay Rag hubeysan xili ay ka howl galayeen xaafada kibera dhacdadan ayaa dhacday Shalay.

Arrintaas ayaa waxa ay kicisay Xaalad deganaasho la’aan oo soo wajahday Ciidamada Amaanka, lama oga in ay arrintan daba socoto khilaafka ka dhaxeeya Mucaaradka iyo Hogaanka sare ee dowladda Kenya.

dhanka kale Hogaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga waxa uu ku adkeysanayaa inaysan qayb ka ahayn doorashadii dhacday isla markaana waxa uu ku hanjabay in ay cuuryaamin doonaan Ilo badan oo Ganacsi iyo waliba dhaq dhaqaaqa Siyaasada marka loo eego Gobolada iyo Caasimada meelaha ay Mucaaradka ay awooda ku leeyihiin.

Sidoo kale waxaa Xiisada sii kicin kara qaar ka mid ah Guddiga doorashooyinka oo ka baxsaday dalka Kenya markii ay sheegeen in ay u hanjabeen Mucaaradka Kenya.