Xarunta Gobolka Banaadir oo lagu qabtay munaasabad deeq ururin ah

Munaasabadaan oo deeq loogu aruurinaayey dadka ay abaaraha ku saameeyeen Gobolada Dalka Soomaaliya islamarkaana lagu soo bandhigayey doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Hormarinta dhaqanka ayaa xalay waxa ay ka dhacday Xarunta aqalka dowlada Hoose ee Magaalada Muqdisho.

 

Munaasabadaan oo ay kasoo qeyb galeen , Xildhibaano , gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee madaxbanaan , Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ,gudoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir , fanaaniin iyo ururadda Bulshada Rayidka, ayaa waxaa lagu soo bandhiagay bandhig carweed lagu muujinaayey hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

 

Munaasabaan oo sidoo kale lagu xusaayey maalinta haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu soo bandhigay deeqo kala duwan oo loogu tala galay in loogu tabarucu dadka ay saamaynta ku yeelatay abaaraha ka jiro Gobolada Soomaaliyeed.

 

Gudoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir ayaa xustay muhiimada ay haweenka u leeyihiin bulshada aduunka iyo sida ay lafdhabar ugu yihiin bulsho weynta Soomaaliyeed .

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Munaasabada ayaa isna xusay in ay ka duwantahay 8 Marso sidii hore loo xusi jiray isla markaana sanadkan loo bedalay mid deeqo loogu uruurinaayo dadka ay abaaraha Saameeyeen.