Xaqiiqooyinka mucjisada ah ee gaariga Donald Trump uu ku socdo

Jariirada caanka ah ee the Sun ayaa waxay soo saartay warbixin la yaab leh oo ku saabsan gaadhiga uu raaco madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump, waxaa jira dhowr madaxweyne oo shirqool lagu dilay oo Mareekanka soo xukumay waxaana ka mid ah John F Knedy oo 1963di lagu dilay shirqool intaas waxii ka dambeeyay qolada u qaabilsan naqshadaynta Gaadiidka madaxweynaha Mareekanka ayaa ku fekeray inay ka taxadaraan Gawaarida ay raacaan Madaxweynayaasha ayagoona dilkii John f kenedy waxi ka dambeeyay si wanaagsan u naqshadeeye Gawaarida madaxweynayaasha hadaba halaan      ka eeg sida mucjisada leh ee gawaaridaas loo farsameeyay.
1. Qolfaddiisa sare waxa ku dahaadhan lakab adag oo dhumucdiisu ka weyn tahay 20cm oo ka samaysan xadiid aad u culus oo aanay rasaasta iyo bambooyinku waxba ka tari Karin.
2. Culayska gaadhigani waxa uu dhan yahay ina ka badan 4-tan iyo badh.
3. Meel ku beegan Turuska hore ee gaadhiga waxa kaga rikiban kaamarooyin aan muuqaalkooda la arkayn oo habeen iyo maalinba waxa duubi kara xataa wakhtiyada madaw ee hawbeenkii si cad wax loogu arki karo oo qabanaya wixii agagaarkaasi ka soo dhawaada.
4. Meel ku beegan istoobka ama isha hoose ee gaadhiga ee wajahadda hore waxa gudaha ugu soo jira oo afka lasoo jeeda qori ay ka dhici karaan bambooyinka suntan ah ee dadka ka ilmaysiiya oo lagu kala dareerin karo haddii cidi Madaxweynaha ku mudaharaaddo.
5. Taarriyadiisa waxa ku dul dahaadhan lakab bir iyo cinjir isugu jira oo taayirka u diidaya in uu qarxo xataa haddii ay rasaasi ku dhacdo. Waxaana ku sii hoos lammaan taayir kale ee Spare ah.
6. Meel ku beegan daaqadda hore ee gaadhiga waxa gudaha ugu jira qori boobe ah oo darandoori u dhaca oo la adeegsan karo haddii xaalad kahatar ah oo amni timaad.
7. Sidoo kale waxa uu dhinaca ku sitaa haamo dab-damis oo dabka lagu bakhtiin karo.
8. Kursiga gaadhiga ee Madaxweynaha loogu tala galay in uu fadhiisto waxa ku soo jira dhawr kiish oo keyd ah oo dhiig ah gaar ahaan nooca dhiig (Type Blood) ee Madaxweynaha markaasi talada haya ee gaadhigan isticmaalaya si loogu shubo haddii khatari ku timaad.
9. Waxa uu gaadhigani leeyahay laba haamood oo keyd shidaal ah oo midkiiba qaadi karo in ka badan 200 oo Litir oo shidaal ah.
10. Xawaaraha uu ku socon karaa waa 300km/hr
11. Noociisani waxa uu ka kooban yahay 12 gaadhi oo noocan ah oo marka Madaxweynuhu raacayo garab gala oo aanad garanyn ka uu la socdo.
12. Ugu dambayn qiimaha gaadhigani ku kacay ee lagu sameeyey waa in ka badan 2-Milyan oo Dollar.