Xadka Sweden Iyo Denmark Oo dib loo furay 2 Sano Kadib

Dawladda Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday in ay joojin doonto koontaroolka aqoonsiyada ee horey loo weydiin jirey dadka safarka uga imaanaya  dalka Denmark.

Dawladda ayaa dhanka kale sheegtey in ay boqolkiiba boqol adkeyn doonto koontaroolka xuduudeheeda,

Dadka Denmark ka imaanaya ayaa waraaqahooda aqoonsi la weydiin jirey marka ay soo raacayaan basaska, tareenada iyo doomaha u kala goosha dalalka Sweden iyo Denmark.

Dawladda Sweden ayaa baaritaanka aqoonsiyadaas waxay ku soo rogtey dadka safar ahaan uga imaanaya dalka Denmarka bishii november sanadkii 2015-kii, ka dib markii ay si sharci daro dalkaan Sweden u soo galeen dad qaxooti ah oo farabadan kuwaas oo ka soo talaabey dalka Denmark.

Koontaroolkaas lagu hayey aqoonsiyada ayaa waxaa intii muddo ahba ka cabanayey dadka u kala goosha magaalooyinka Malmö iyo copenhegan oo dad badani howlo shaqo usoo aada Maalin Kasta,

©Goobsan  Media