Cabdirisaaq Axmed oo ah Soomaali mareekan ayaa la sheegay inuu weerar midi ah ka geestay magaalada Faribault oo 50 Mile u jirto Magaalada Minneapolis halkaas uu ku argagax geliyey muwaadiniin u dhashay Mareykanka xili ay ku damaashaadayeen bartamaha Magaaladaasi.
Cabdirisaaq Axmed Faarax waa 29 jir waana muwaadin soomaali mareykan ah waana ninka geestay weerarkaan midida loo adeegsaday oo lagu argagax geliyey dad isugu imaaday maqaaxi laga shaaxeeyo oo ay xiligasi ku mushaaxayeen.
Weerarkaan Midida loo adeegsaday weli lamasoo werin wax khasaaro oo ka dhashay iyadoo kaliya la sheegey cabdirisaaq uu isku dayey in uu dad dilo balse gacantiisa ay gadaal ka cabsaneysay isagoo la sheegay in dadka uu ku amraayey in aynan Booliska wicin hadii ay sidaas sameeyaan oo ay wcaana uu dili doono.
waxay sidaa ahaataba oo uusan Cabdirisaaq dadka magaaladaasi aad u argagaxgelinyaayey ayaa waxaa usoo gurmaday Boolis Roondo halkaa ka sameenayey oo war moog ahaa, kadibna waa ay xireen.
Magaalada Faribault waa magaalo yar oo dadka ku noolna ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 23,000 oo qof waana magaalo jawigeedu deganyahay oo tamashleynta ku wacan.
Soomaalida mareykanka ku nool ayaa iyagu mararka qaar la kulmo faquuq ku saabsan jinsiyadooda iyo diintooda iyadoo markii sidaan oo kale markii qof soomaali mareykan ah uu qalad galo, soomaalida halkaa ku nool ay soo food saarto cabsi iyo murugo fara badan.