Shaqsiga ugu xaadsidsan Nigeria ayaa loo aqoonsaday wiil dhalinyaro ah laguna magacaabo Omo alHajji kaas oo la sheegay inuu qaadsiiyay Cudurka dilaaga ah ee Aids gabdho tiradooda lagu sheegay 17 kuwaas oo dhamaantood uu la wadaagay Gogol.
Wiilkan ayaa qabsaday baraha Bulshada dalka Nigeria kadib markii uu sameeyay falkan arxan darada ah.
Omo alHajji ayaa bartiisa twitter kusoo qoray inuu 17 Gabdhood qaadsiiyay Viruska HIV taasoo uu bilaa cinjir isticmaalay, markii la weydiiyana waxuu ku sheegay inuusan dooneyn inuu kaligiis dhinto.
OMO ayaa soo qoray sidan “ waxaan aaday isbitaal waxaana la iga helay viruska HIV isla markiiba waxaan go’aansaday intaan dhiman inaan qaadsiiyo dad kale oo aan faafiyo”
Omo ayaa sheegay in dhibanahii u dambeeyay ee uu la wadagay gogol ay tahay Flora ayna hadda waxii ka dambeeya Flora ay tahay Virus Side.
Sidoo kale waxan qaadsiiyay gabdho badan oo degaankayga ah ayu sheegay Omo alHajji.
Arintan ayaa haday run noqoto waxaa tilaabo adag laga qaadi doonaa Omo alHajji.
Wadanka Nigeria ayaa kaalinta koowaad ku jira dadka ugu badan ee u dhinta cudurka Aidska.
Sidoo kale waxuu kaalinta 2aad uga jiraa dadka ugu badan ee qaba cudurkaas waxaana kaalinta koowaad ku jira dadka la nool Viruska HIV wadanka Kuufur Afrika.