Wiil 16 Jir ah oo guursaday Haweeney 71 jir iyo Qarashka haweeneyda lagu doonay oo la yaab noqday (Sawirro)

Haweeney duq ah oo u dhalatay waddanka Indonesia oo da’deeda la xaqiijiyey in ay tahay 71-jir ayaa waxa ay guursatay wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 16-jir, kuwaasi oo xafladdii meherkooda iyo arooskooda loo qabtay dawladduna ogolaatay kadib markii ay ku hanjabeen labadan lammaane haddii guurkooda la is hor taago in ay nafta is dhaafin doonaan oo ay is dili doonaan.

Selamat Raiyadi waa wiil 16 jir ah waxa uu guursaday haweenay ka weyn 55 sano oo 71 jir ah taas oo lagu magacaabo Royaha. Wiilka qoyskiisa iyo dawladduba markii hore way diideen in guurkaasi qabsoomo balse labadan lammaane ee aadka u kala wayni waxa ay ku hanjabeen in ay is dili doonaan haddii aan la ogolaan guurkooda waxaana sidoo kale fursadda guurkaasi ku dhacay ogolaaday guddida culimada ah ee deegaanka ay ka soo jeedaan oo ah jasiiradda Sumatra, waana qoys muslim ah sidaa darteed xukuumaddu waxa ay ogolaatay in sharciga waddanka oo aan ogolaanayn in ninka wax guursanayaa aanu ka yaraan 19-jir ayaa waxa ay ogolaatay dawladdu in shareecada islaamka ee ay ku dhaqmaan loogu ogolaado oo ah mid ogolaanaya guurkan.

Warbixintan oo ay qortay wakaaladda wararka ee AP waxa ay intaasi ku daraysaa in Selamat Raiyadi oo 16-jir ah iyo Royaha oo ah islaan 71-jir ah ay sheegeen in jacayl aad u weyni ka dhaxeeyo sidaa darteed haddii la is hor taago guurkooda ay is dili doonaan sidaa darteed markii dambe ee xaaladda arrinkan la rogrogay waxa ay noqotay in loo yagleelo hoy loona qabto xaflad ballaaran oo la isku arkay.

Guurkan oo ka dhacay jasiirada Sumatra ee dalka Indonesia ayaa ka maran ama aanay ku jirin wax dan dhaqaale ah waayo labadooduba waa sabool waxaanay ka soo jeedaan dabaqad aad u hoosaysa dhinaca nolosha.

Markii la doonayay haweenayda wiilka qoyskiisu waxa ay ka bixiyeen lacag aan ka badnayn qiyaas ahaan ama u dhiganta $12 dollar.

Xafladdii guurka labadan lammaane ee aadka u kala weyn dhinaca da’da waxa ka soo qayb galay oo abaabulka inta ugu badan lahaa hogaamiyaha qabiilka deegaanka ay ka soo jeedaan labadan lammaane ee is calmaday kaasi oo lagu magacaabo Kosoyo oo warbaahinta deegaanka u sheegay in labada lammaane markii ay ku adkaysteen in ay is dili doonaan la ogolaaday guurkooda isna uu sidaa amray in xaflad loogu qabto.
Hogaamiye Kosoyo oo arrinkan ka hadlayay ayaa yiri.

“Waxa ay sheegeen in ay is jecel yihiin oo ay is dili doonaan haddii guurkooda la diido. Haddii mid ka mid ahi is dili lahaa kan kalena adduunka kuma sii noolaadeen waayo aadbay isu jeclaayeen”.

Muuqaalka laga soo duubay xafladda labadan lamaane ee aadka u kala weyn ayaa muujinaya wiilka caruuska ah ee Selamat Raiyadi oo dareen farxadeed ka muuqdo markii uu dhacayay meherkoodu dadkuna sacab iyo mashxarad ay ku muujinayeen farxadda guurkooda balse Isaga iyo xaaskiisan duqda ahba waxa ka muuqday qadar xishood ah iyo dareen ay ka qabaan qaabka dadku u arko guurkooda maadaama farqiga da’dooda u dhaxeeyaa aad u weyn yahay.

SAWIRRO