Weriye Cabdishakuur Shaashaa oo Dib Xoriyadiisii u helay

Weriye Cabdishakuur Cabdulaahi Axmed oo ku xirnaa saldhigga Booliska degmada Jowhar muddo 12 maalmood ah ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa kadib markii la sii daayay.
Weriye Cabdishakuur Cabdullahi Shaashaa oo ah agaasimaha Idaacada CityFm ee magaalada Jowhar ahna wakiil wareedka taleefishinka RTN ayaa la sii daayay iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin.

Sii deynta weriyaha ayaa ka dambeysay kadib markii Maamulka sare ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Nusoj ay shalay soo gaareen magaalada Jowhar iyo dadaalo ay sidoo kale wadeen saxafiyiinta gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta gobolka Sh/dhexe Maxamed Abuukar Caseyr oo u waramay shabakada jowhar.com ayaa soo dhoweeyay sii deynta weriye Shaashaa.
Sii deynta weriye Shaashaa ayaa ku soo beegantay maalin kahor xilli lagu wado in ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj markii ugu horeysay ay u qabtaan saxafiyiinta magaalada Jowhar tababar ku saabsan saxaafada.