Weerar ka dhacay meel u dhow dhismaha Baarlamaanka UK

Waxaa lasoo sheegayaa in rasaas laga maqlay meel banaanka ka ah dhismaha Baarlamaanka UK, Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray iyadoo boolisku isku geedaamay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Nin mindi wata ayaa lagu dhex arkay dhismaha. Sargaal ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta in ruux la toogtay.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

sidoo kale waxaa jira xaqiijin amniga gudaha oo ay wadaan saraakiisha ciidanka ku shaqada leh amaanka, Waxaana jira baaritaano xoogan oo wali ka socda agagaarka dhismaha Baarlamaanka UK.