Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya weerar dad lagu dilay goor dhaw inuu halkaasi ka dhacay dadkaan ayaa sida warar aan la hubin ay sheegayaan waxa ay wada ahaayee hal Qoys.
Gaari yar oo dad gaaraya todobo ruux ay saarnaayeen ayaa lagu rasaaseeyay meel aanan ka fogeyn Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan, waxaana jirta dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay weerarkaasi.
Dabley hubaysan, ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ooda uga qaadeen gaari yar oo ay dadkaan saarnaayeen, waxaana halkaasi ku dhintay laba ruux, halka Afar kalena ay dhaawac yihiin.
Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Bishaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laba ruux ay geeriyootay, halka dad kale oo dhaawac ahna loo qaaday isbitaalka.
Wuxuu sheegay dabley hubaysan inay beegsadeen dadkaan oo dhamaantood dad shacab ah, illaa haddana aysan garaneyn sababta dadkaan loo beegsaday.
Wixii kusoo kordha kala soco Goobsan.com