Kooxo hubeysan oo ka tirsan Daalibaan ayaa Weerartay askar Afghanistan ah oo ka shaqeynaayay saldhiga military ee ugu weyn maraykanka ee ku yaal Afghanistan waxa ayna weerarkaas ku dileen 8 Askari halka labo askari kalena ay ku dhaawaceen, Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow saldhiga diyaaradaha Bagram ee xaafada Shah Kah.
Dhacdadaan ayaa lagu soo waramayaa in ay dhacday markii koox ka mid ah ciidamada oo shaqada kusii jeeda wadada loo galay, Sidoo kale mas’uuliyada weerarkaas waxaa sheegtay ururka Dalibaan ee ka dagaalamo gudaha dalka Afghanistan.
Daliban ayaa axadii waxa ay labo weerar ku qaadeen xarun boolis oo ku taal magaalada Gardez oo ah caasimada gobolka Paktia, Waxaana weerarkaa ku dhintay labo sarkaal oo boolis ah halka ay ku dhaawcmeen shan kale.
Tan iyo markii sanadkii 2001 ay gudaha Afghanistan ay dagaalka ku galeen maraykanka iyo xulafadiisa waxaa ka jirtay xaalad nabad galyo darro oo looga soo hor jeedo ciidamada shisheeye ee ku sugan Afghanistan iyo kuwa la shaqeeya.