Waxay u dilaan inay xubnaha jirkooda ka ganacsadaan si ay hanti iyo sharaf uga helaan

Waxaa aduunka qabsaday dhacdadan la yaabka leh ee bishii lasoo dhaafay lagu daabacay Wargesyska Daily Mail Online ee Dalka Ingiriiska kasoo baxa kaasoo Faafiyey warbixin dheer oo ku saabsan ka ganacsiga xubnaha Jirka Banii’aadamka iyo dilal ka dhaca Dalka Malawai iyo Bariga AFrica, taasoo loo geesto dadka qaba xanuunka loo yaqaano Albinos .

Xanuunkaan ayaa ah mid qofka uu kudhasho waxaana dhumayo maqaarka jirka kore ee dabiiciga ah, Indhaha iyo Timaha, Wargeyska ayaa sheegay in arinta dilka iyo ganacsiga isku jirta ee kadambeeyaan qolooyin Saaxiriin ah iyo kuwa sheegta in ee yihiin dadka wax ku daaweeyo qaabka Ruuxaanta.

waxaa jira qolooyin jir dil ku sameeya dadka xanuunkaasi qaba xiliyada ee marayaan wadooyinka meelaha baadiyaha ah ilaa ay ka miir daboolmaana dilka ku wada amaba nafta ay sidaa uga baxdo, kadibna waxe kala baxayaan xubnaha jirka, tasoo looga gol leeyahay in laga sameeyo Daawooyin qiimahoodu sareeyo.

Howshan ka ganacsiga dadka albinoska ah ayaa dhacda xiliyada ay jirto mashquulka siyaasadeed ee wadamada ay ku noolyihiin dadkaas.

Dadka falkani sameenaya ayaa aaminsan in xubnaha Albinoska ee leeyihiin muhimad gaar ah sida in dadka lagu daaweeyo iyo in lagu helo Hanti, Magac iyo Maamuus.

Dr Oskar Diyooka oo u kuur galaya xaaladan ayaa booqasho ku tagay Malawi iyo Tanzania
wuxuuna soo arkay qaabka ee u noolyihiin caruurta qaba xanuunkan, waxaa lagu hayaa xerooyin qarsoodi ah loomana ogola in ee baxaan .
arintan ayaa ah mid layaab leh marka loo eego sida howsha ku socoto.

sidoo kale dadkaan ayaa ku dhiban bulshada ay la noolyihiin ayagoo ka muujiya cabsi xoogan mustaqbalkooda nolosha waana dad dhiban oo hadana dhibka lagu sii siyaadiyay, in kastoo wadamada ay ku noolyihiin dadkaan albinoska ahi ay cabasho joogta ah u muujiyaan xukuumada markaas ka talisa wadanka hadana wali xuqooqdooda aysan ka helin.