Antonio Guterres: Waxaan halkan u imid inaan muujiyo taageeradda aan la garab taaganahay Soomaalida (SAWIRO)

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo maanta booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, ayaa  waxaa uu kulamo la qaatay Madaxda ugu saraysa dowlada federaalka ka.

Booqashada xoghayaha ayaa qayb ka ah dadaalo lagu doonayo in lagu taageero La-dagaalanka Macluusha iyo Abaarta ka jirta qaybo badan oo ka mid ah gudaha Soomaaliya,

Hadal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay aya lagu sheegay inuu Antonio Guterres booqan doono Xeryaha Barakacayaasha ee gudaha Somalia.

“Waxan halkan u joogaa inaan Taageeraadayda la garab istaago dadka Soomaalida, Caalamka waxa uu u baahan yhaay inuu haatan Tallaabo ka qaado sidii looga hortegi lahaa Xiisadaha Aadminimadda ee ka jirta Somalia” ayuu yiri xoghaye Antonio,

Horaantii isbuucii hore ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in Abaarta haatan ka jirta Somalia tahay Masiibo Qaran. Isla markaana caalamka ka dalbaday In loo soo gurmado ,

© Goobsan Media