Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Denmark oo ka digay in Qaxootiga Soomaaliyeed Dib Loogu celiyo Dalkooda

Mogens Lykketoft Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Denmark ayaa ka digay in xiligan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Denmark  dib logu celiyo dalkooda ay ka dhalan karto qatar amaan.

Lykketoft  ayaa sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan maanta aheyn mid la isku halayn karo xiligana ka jirin Nabad lagu naaloon karo. sidaas darteedna aysan haboonayn in si qasab ah dad magan galyo doon ah dib loogu celiyo. Sidoo  kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ey hada ka jirin dowlada xoog badan. Taasoo damaanad qaadi karta amaanka qoxootiga laga soo celinayo Yurub.

Hadalkan wasiirka ayaa soo baxay kadib markii dhawaan wafdi katirsan baarlamaanka dalkaas ay safar qiimayn ah ku tageen wadamada Ethopia iyo Kenya ee xuduuda la leh Soomaaliya,

Dowlada Denmark ayaa mar sii horaysay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto Kiisaska qoxootiga soomaaliyeed oo gaaraya ilaa iyo 800 qofood kuwaas oo sharciyo kumeel gaar ah ku joogay dalkooda,

Halkan Ka aqriso Warbixntaas oo ku qoran luuqada Danish-ka

©Goobsan  Media