Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Canada oo ugu baaqay Soomaaliya in ay Safaarad ka furato dalka Canada

Axmed Xuseen Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka Canada , islamarkaana ah Muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxaa uu dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay safaarad ka furato Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Waxaa uu sheegay Wasiir Axmed in taasi ay sare u qaadi doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Canada.

Axmed Xuseen Waxaa uu sheegay in uusan hadda jirin xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo ka dhaxeeya Dalalka Canada iyo Soomaaliya,taasna ay sabab u tahay in labada dal aysan iska warqabin.

 Waxaa uu sheegay in Dawladda Kanada ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhantahay 18 Million oo dollar, oo loogu talogalay dadka abaarta iyo roobabku saameeyeen ee danyarta ah.
Waxaa uu sheegay in ay ku qasban yihiin in ay lacagtaasi ay marsiiyaan Hay’addaha Qaramada Midoobey Maadaama dowladda Soomaaliya aysan Safaarad ku laheyn Canada.