Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kormeeray Xerada CXD Damaayo Oo Dhisme Lagu Wado (SAWIRO)

Sii-hayaha  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay xerada Ciidanka ee Damaayo oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Xerada ayaa waxaa dhisme xoogan oo dib loogu howlgalinayo ka wada Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiir Diini ayaa markii uu xerada tegay waxa uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xerada dhismaha uu ka socda oo xilligaasi ay ka soconayeen howlo lagu dhisayo xerada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan ka shaqaynaynaa kor u qaadista tayada  iyo tababarka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, si cadowga looga guuleysto, hadda waxaa dhisme ku socdaa xarumo badan oo leeyihiin ciidanka Xoogga si loo gaaro hadafka fog iyo mid dhexe ee lagu doonayo horumarinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan dhismaha ciidanka oo muhim u ah soo kabashada dalkeena”. Ayuu yiri Wasiir Diini.

Xigasho: Sonna