Wasiirada Arrimaha Dibeda wadamada Carabta oo shir deg deg ah uga furmay magaalada Qahira

Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa isugu yimid shir deg deg ah oo ay ku baaqdey dawladda Sucuudi Carabiya, balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa ka baaqsaday shirkaasi sababo aan la shaacin.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, shirkan Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta uga furmay xaruntooda ay ku leeyihiin magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa looga hadlayaa, faragelinta ay sheegeen in Wadanka Iiraan uu ku hayo wadamada Carabta, sidoo kalena Dawlahadaha Carabtu ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Wakaaladdu intaa waxay ku dartey in wadamada isutaga imaaraadka Carabta, baxrayn iyo Kuwayd ay ku taageereen dawladda Sucuudi Carabiya qabshada shirkan.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtey mas’uul sare oo u hadley Wadanka Lubnaan, Wasiirka arimaha dibadda Lubnaan Gibran Basil uusan ka soo qayb galayn shirka Wadamada Carabta.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa sii kordhayay xiisada u dhaxaysa Iiraan iyo Sucuudi Carabiya taasi oo keeni karta in labada dawladood dhib ka dhex dhaco.

Qadiyadda Lubnaan ayaa ka mid ah waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin, waxaana Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Saacad Alxariiri uu 4tii bishan  November Sacuudiga kaga dhawaaqay inuu xilkii iska casiley.

Mr. xariiri ayaa u safray wadanka Faransiiska halkaasi oo uu kula kulmay madaxwaynaha faransiiska Emmanuel Macaron, kulankooda kadibna sheegay inuu ku noqonayo magaalada Bayruut isla halkaana kaga dhawaaqi doono sababta uu isku casilay.