Wasiirada arimaha dibadda jaamacadda carabta oo ku shiraya magaalada Qahira

Wasiirada arrimaha dibadda dalalka ku midoobay jaamacadda carabta ayaa kullan ku yeelanaya magaalada Qaahira, Halkaasoo ay uga hadli doonaan dhowr arrimood oo ay ka mid tahay go’aanka mareykanka uu safaaraddiisa Israaiil ugu wareejinayo magaaladda Quddus.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u sheegay in safaaradda Mareykanka ee Israaiil uu geyn doono Quddus arrintaasoo ay cambaareeyeen Falastiyiniinta iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson uu booqanayo israa’iil iyo Falastiin.

Shirkan oo ah mid sanad walba la qabto waxaa kaloo ku jirra arimaha looga wadahadlayo xaalada wadamada Suuriya, Liibiya iyo Yemen.

Wadamada qaybta ka ah jaamacada carabta ayaa arimaha qaar ku kala duwan  siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba.

Wadanka yemen oo dowlada Sacuudiga iyo xulafadiisu ay ka wadaan dagaalo ayaa ah arinta ugu muhiimsan oo looga hadlayo shirkan.

Xaalka dalka Suuriya ayaa isna ah mid looga hadli doono kulankan jaamacada Carabtu ay ku leedahay magaalada Qahira ee wadanka Masar.