Wasiirad ka tirsan dowladda Denmark oo u geftay Nabi Muxamed NNKH.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark, Inger Støjberg ayaa bogeeda rasmiga ah ee Facebook soo dhigtay sawir gacmeed lagu aflagaadeynayo Nebigeena Muxamed NNKH.

Inger Støjberg ayaa soo raacisay sawirkaas qoraal dheer oo ay uga hadleyso muhiimada xoriyada hadalka, sida ay u jeceshahay Denmark iyo sida uu sawirkaas agteeda qiimo weyn ugu leeyahay.

Sawirka ay wasiiradan soo dhigtay barteeda ayaa ah nin ay madaxa ugu duubantahay cimaamad weyn oo miino loo ekeysiiyay, waxaana afka hore uga qoran towxiidka. Waxaana sawirkaas sameeyay nin lagu magacaabo Kurt Westergaards oo dhowr mar oo hore ka badbaaday isku day dil.

Wasiiradan ayaa sawirkan ay soo dhigtay barteeda Facebooga waxay saaratay shaashada Ipad-keeda.

Sababta ay wasiiradan sawirka u soo dhigtay barteeda Facebooga ayaa lagu sheegay inay tahay markii matxaf kuwo taariikhda ah uu diiday in la dhigo sawirada aflagaadada ku nabi Muxamed sababo xaga amniga ah awgood.

Raisul wasaaraha Denmark ayaa mar ay saxaafadu wax ka weydiisay, diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo falka ay ku kacday wasiiradiisa.

Warbaahinta Denmark iyo baraha bulshada ayaa maanta aad looga hadalhayaa falkan ay ku kacday wasiiradan, waxaana muuqato inay taageero xoogan ka heysato dadka fikirka ka dhiibtay sawirka ay soo dhigtay, iyadoo dhanka kalena ay jiraan dad ka careysan arintaas, kuwaasoo sheegay in wasiiradu ay rabto inay ka xanaajiso dadka Muslimiinta ah.