Wareysi Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur”

Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo horey u ahaa ku xigeenkii ururka Al-Shabaab oo bishii December ee sannadkii 2018-kii ay dowladda Soomaaliya ka hor istaagtay in uu u tartamo hoggaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bixiyay waraysigiisii ugu horreeyey.

Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii December 2018-kii ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta hay’adda nabadsugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jiray xabsi guri.

Mukhtaar Roobow waxa uu la xiriiray idaacadda VOA Somali , waxaana waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Wariye Haaruun Macruuf.