Wararkii ugu dambeeyay xaalada Jigjiga

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka socda magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ee maamulkaas la wareegeen Ciidamo ka socda dowladda Federaalka Itoobiya.

 Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta tan iyo saaka magaalada Jigjiga, iyadoo xaalada u muuqato mid afgambi ah.

Ciidamada ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka, xarunta Telefishinka iyo xarumaha kale ee wasaaradaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Taageerayaasha Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dhigaya dibad baxyo rabshado wato.

Waxaa waddooyinka lagu gubay taayaro, qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, waxaana la soo sheegayaa inay jirto bililiqo.

Sidoo kale Waxa jirta in Ciidamadii saakay la wareegay Xarumaha Dowladda ay bilaabeen in ay si tartiib ah uga sii baxayaan waxaana la sheegay in Uu jiro Hub gacanta u galay dadka Shacabka ah.

Waxaa la sheegayaa inuu jiray isku day Baarlamaan Goboleedka Soomaalida Itoobiya ku doonayeen inay madax banaani ama gooni u goosad ku dhawaaqaan.

Lama oga halka uu si rasmi ah ugu suganyahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya balse warar aan helnay ayaa sheegaya inuu ku suganyahay degaan duleedka ka ah Jigjiga.