Wararkii ugu dambeeyay Wadahadalada ONLF iyo Dowladda Itoobiya

Wada hadalada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socday uu shir uga socdo goob qarsoodi ah oo ka mid ah magaalada Nairobi.

Baraha Bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu soo bandhigayay sawirada wafuuda labada dhinac ee uga qeyb galayay wada hadalada.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa sheegay in wada hadalada ay meel wanaagsan marayaan, lagana soo saari doono war saxaafadeed.

Waxaa uu sheegay in wada hadaladan ay ka duwan yihiin wada hadaladii hore, maadaama xubnaha ka qeyb galaya ay ka culus yihiin xubnihii horay uga qeyb galay wada hadaladii hore ee fashilmay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa wada hadalka ka qeyb qaadanaya.

Sidoo kale dhanka ONLF ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin sare oo Jabhadda xubin firfircoon ka haya sida Guddoomiyaha wada hadalada ONLF ahna Madaxa Arrimaha Dibadda ee Jabhadda C/raxmaan Sheekh Maadey.

Guddiga dhex dhexaadinta ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, horayna u soo noqday wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey oo dhamaan ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Labada dhinac ee wada hadlaya iyo dhex dhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhowr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya.

Dad badan ayaa isha ku haya wada hadaladan, waxaana jira rajo laga qabo in natiijo wanaagsan ay ka soo baxaan.