War Cusub: Amiir Ku xigeenkii Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay Duqeyn ka dhacday Shabellaha Hoose

Weerar xalay ay diyaarado dagaal ku qaadeen degaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa la sheegay in lagu dila taliyeyaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Warar  hordhac ah ayaa sheegaya in saraakiisha lagu dilay weerarkii xalay ka dhacay uu ka mid yahay C/ramaan maxamed Warsame oo loo yaqaan Mahad Karate.

Duqeyntan ayay qaadeen diyaarado loo maleynayo inuu Marykanku leeyahay ayaa xalay weerar ku qaaday xarumo ay Alshabaab ku leeyihiin degaanka Toora-toorow oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab ku leeyihiin kooxda Alshabaab.

Mahad Karatey ayaa ka mida ku xigeenada amiirka Alshabaab sidoo Kale ahaa madaxa Sirdoonka kooxdaasi, Waxaana lagu eedeeyaa inuu abaabulay weerarkii saldhigga Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan oo Kenyaan ah lagu laayay.