Waqooyiga kooriya oo soo bandhigtay cudadeeda militari (sawiro)

maalinimadi shalay ahayd ayay waqooyiga kuuriya u dabaal degayse sanad guuradi 105aad ee dhalashadii  Kim II_Sung.

Kuuriyada waqooyi ayaa ku soo bandigtay awooddeeda military oo ay ka mid tahay wax u muuqdey gujis cusub oo xambaara gantaalada balastig iyadoo loo dabaaldegayey dhalashadii Kim Il-sung, oo ahaa aasaasihii dalkaasi.
Gantaalaaha ayaa socod lagu marsiiyey xaflad ka dhacday magaalada caasimada ah ee Pyongyang, iyadoo uu daawanayey hogaamiyaha xukunka leader Kim Jong-un oo uu awoowe u yahay madaxeynihii ugu horreeyey.
Bandhigan wuxuu ku soo aaday iyadoo ay kordhayso xiisadda ka aloosan gacanta, xukuumadda Pyongyang waxay mar kale uga digtay Mareykanka in uu joojiyo wax ay ugu yeertay daandaansiga iyo dhaqdhaqaaaqyada taxadar la’aanta ah , waxay ku bixisay digniin inay ku jawaabto duqayn halaag ah.