Dalka Norwey waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee HSJ waxana ay kulamo la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka iyo Jinsiyadda, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo kaararka aqoonsiga iyo Basaboorka.
Labada dhinac Soomaliya iyo Norwey ayaa ka wadahadlay iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.
Dhinaca kale wafdiga ayaa booqdey Xaruunta Kaarka aqoonsiga qaranka Norway oo ah xaruun hubisa saxnimada dukumentiyada isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xarumaha laga maamulo socdaalka Norway iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada. Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah.