Wado ku taala Mareekanka oo loogu magac daray Nin Soomaaliyeed oo caan ka ahaa Gobolka Minnesota

Magaalada Minneapolis waxaa shalay la dhagax dhigay waddo loogu magac daray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalka Mareykanka xil looga doorto.

Xuseen ayaa sidoo kale ahaa aasaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob hormarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobolka Minnesota.

Dadkii kasoo qeybgalay munaasabaddi dhagaxdhigidda ayaa waxaa ka mid ahaa duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha degaanka ee magaalada Minneapolis, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.
Dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi joogay ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin Waddo ku taalla Mareykanka loogu magacdaro Muwaadin Soomaaliyeed.

Arintaan ayaa timid ka dib markii bilihii lasoo dhaafay ay kordheen Weerarada ku saleysan Midab takoor ee dalka Mareykanka.