Wadan leh darbi kala qaybiya Dadka Taajirirka iyo Dadka Faqiirka ah (Sawiro)

Wadanka Peru waxa uu ka midyahay wadamada ku yaal qaarada Latin America waana wadan ku hadla luuqada Spanishka iyo luuqado kale oo u gaar ah bulshada ku dhaqan wadankaas  waxa kale oo ay ku hadlaan luuqada Quechua, Aymara, Ashaninka, Bulshada wadanka tira ahaan waxaa lagu qiyaasaa (30,444,999 qof).

Wadanka Peru waxa uu daris la yahay wadamada kala ah Bolivia, Brazil, Chile, Colombia.

Wadankaan waxaa ka jira shaqo  yari iyo abaaro mararka qaar ku dhufta wadankaas taasoo ay usii dheertahay dadka danta yar in la faquuqo waliba niyada laga dilo dowladana aysan wax muuqdo ka qaban taasoo ay ku sameeyaan dadka Taajiriinta ah.

Duleedka caasimada Lima ee dalka Peru waxaa ku yaalo degan lagu magacaabo Las Casuarinas oo u kala qaybsan laba dhinac kaasoo  ay kala degaan dadka Faqiiriinta iyo taajiriinta balse waxaa u dhexeeya darbi wayn oo silig ku xiranyahay  darbigaas ayaa dhererkiisu yahay 10 Km waxuuna ku dhex yaalaa xaafadaha buuraleyda ee Surco iyo San Juan De Mira Flores darbigan kala qaybiya faqiiriinta iyo Taajiriinta ayaa la dhisay mudo laga joogo 30 sano.

Darbigaan sababaha loo dhisay ayaa lagu sheegay in dadka Faqiiriintu ay xatooyo iyo tuuganimo ka geystaan degaanada dadka Taajiriinta taasna ay xal u arkaan in darbigan looga badbaadayo walibana ay usii dheertahay in askar ay ilaaliso darbigaas.

Dadka Faqiiriinta ayaa ka muujiyay walaac iyo arin lagu bahdilaayo wayna cambaareeyeen darbigaas ayagoo sawiro isdaba jog ah iyo video kusoo postgareynaya baraha bulshadu ku kulanto ayagoo darbigaas ay dad badan oo caalamka ka socdo ay u booqasho tageen waxayna u bixiyeen (Wall of shame) (Darbigii ceebta).

Dadkaan faqiiriinta ah dhowr mar ayay dibadbaxyo dhigeen ayagoo hal-kudhig u qaadanaya wadanka waan leeyahay adna waad leedahaday qof walba ayaa leh go’doonka hanalaga dhaafo erayadaas ayay adeegsadaan balse dowladdu waxba kama qabato xaaladaas.

Caludia luna waa dadka degaanka waxayna sheegtay inay xoogsi kaga shaqaysato dhanka dadka taajiriinta waxayna ku qaadataa inay halkaas gaarto 2 saacadood waxayna shegtay in albaabka laga galo ay qaali ku tahay oo askartu ay musuq maasuq kugu sii deynayaan hadaa heysatid lacag dhan 2$ mana awoodo.

Dadka faqiiriinta ee darbiga laga xirtay waa dad ay noloshu cariiri ku tahay oo qaar kamid ah xataa aanan awoodin  qutul-yoomka maalin kaliya biyahana waxaa u dhaamiya booyado oo biya nadiif ma helaan.

waa biya dhaamis loo sameeyo dadka degan xaafada Surco ee dhanka faqiiriinta waxayna ka cawdaan biyaha oo aan nadiif ahayn

Waxay marwalba ka sheegtaan cadaalad daro in lagu samaynayo balse wax hadalkooda meel kasoo qaadaa ma jirto, nolosha ayaa cariiri ku ah mana helaan biya nadiif ah halka dadka kale ee dariska ay la yihiin ay isticmaalaan Waaskooyinka dabaasha.

Halkaan waa xaafadaha ay degaan dadka faqiiriinta 

Sidoo kale xaafadan waa dhanka kale ee dadka Taajirrinta

Halkana waa darbiga dheer ee kala qaybiya dadka Faqiirka iyo Taajiriinta

…………………………DHAMAAD……………………………….