wadahadal la doonayay in lagu sii daayo Mukhtaar Roobow oo fashilmay

Guddi loo xil saaray inay ka qeyb qaataan wadahadallo la doonayo in lagu sii daayo Wadaadka Muqtaar Roobow ayaa waxaa Maanta ay ku dhawaaqeen in wadahadalladaas ay fashilmeen.

Kulan ay Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay gudiigaas ku yeesheen ayaa waxa ay sheegeen in wadahadalladii ay fashilmeen, iyaga oo eedeyn u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay u balan qaadeen in dadkii ku dhintay rabshadihii Baydhabo magtooda la bixin doono,hayeeshee warkaasi uusan dhaqan gelin.

Xildhibaan Maxamed Cadow oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Malaaq Cali Boor ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in ay ka quusteen siideynta Muqtaar Roobow,isla markaana balamo badan oo dowladda Soomaaliya ay u sameysay ay uga baxday.