‘Waan eeday magaca la ii bixiyay ee Sadaam Xuseen’

In ka badan 10 sano kadib markii la daldalay, Sadaam Xuseen, magaciisa waxa uu wali saameyn ku leeyahay nolosha nin ku nool dalka Hindiya oo ay sami yihiin.

Injineerkan bartay dhismaha maraakiibta ayaa aabihii waxa uu ugu magc daray hoggaamoiyihii hore ee dalka Ciraaq Saddam Xuseen 25 sano ka hor.

In ka badan 40 jeer oo uu shaqooyin dalbaday ayuu ku guul darreystay inuu helo wuxuuna aaminsan yahay in magaciisa uu sabab u yahay shaqo la’aanta haysato.

Maxkamadda ayuu tagay si uu magaca isaga bedelo. Waxa uu maxkamadda ka dalbaday in magaciisa laga dhigo Saajid. Muddo dheer ka dib maxkamadda ayaa oggolaatay in magaciisa cusub lagu qoro waraaqahiisa aqoonsigiisa.

Ninkii CIA u waraystay Saddam Xuseen markii la qabtay

Laba sano ka hor ayuu ka qalinjibiyay jamacadda Noorul Islam ee ku taalla dalka Hindiya. Inkastoo natiijo fiican uu helay, qaaar ka mid ah ardadii ay isku fasalka ahaayeena ay shaqooyin heleen, haddana isaga shirkadaha maraakiibta way ka diideen inay qabtaan dalabkiisa shaqo.

“Way ka cabsoonayaan inay i shaqaaleysiiyaan. Waxay ka baqayaan in saraakiisha socdaalka ee ku sugan xuduudaha caalamiga ah aan kala kulmo dhibaatooyin,” ayuu yiri Sadaam balse hadda la baxay magaca Saajid.

Saddaam waxay la noqtay inuu carqaladdani ka gudbi karo hadii uu helo baasaboor cusub oo uu ku qorto magaciisa cusub. Balse caqabadaha intaa kuma eko, oo wuxuu haddana mar kale dib ugu laabtay maxkamadda.

Wuxuu hadda dagaal ugu jiraa sidii uu u badeli lahaa magaca shahaadooyinkiisa oo uu ugu qori lahaa magaciisa cusub ee Saajid. Wuxuu rumeysan yahay in taasi ay ka caawin doonto inuu helo shaqo.

Saajid oo kali ah ma ahan dadka kala kulmay dhibaato inay magac wadaag la nqodaan Saddaam Xuseen oo horay u ahaa hoggaamiye ay dad badan aad u jeclaayeen.

Dalka Ciraaq dad badan oo Saddaam ay magac wadaag yihiin ayaa dhobaatoyin kala duwan la kulmay. Qaarkood xabsiga ayaa dhigay, halka kuwa kalana ay la kulmeen dhibaatooyin la mid ah tan uu maray Saajid.