Waa kuma ninka bedelaya Ergeyga QM ee Soomaaliya Micheal Keating

Micheal Keating Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhowaan banneynaya xafiiska, kaddib markii ay u dhamaatay muddo xileedkiisa.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinta Goobsan ayaa sheegaya in Danjire Keating oo Xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee sanadkii 2016 ayaa dhowaan xilka wareejin doona

Diblomaasiyiin iyo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Mr Keating uu bedeli doono Ergey cusub oo u dhashay dalka Koofur Afrika.

Nicholas Haysom ayaa la filayaa inuu bedelo Micheal Keating oo xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey hoggaaminayay muddo labo sano iyo bar.

Mr Haysom oo 66 sano jir caddaan Koofur Afrikaan ayaa ah Qareen waa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay y soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa inuu ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Hase ahaatee waxaa la sheegaa inuu ku soo fashilmay arrimaha Suudaanta Koofureed oo xilligan colaada iyo xaalado bani’aadanimo ka jiraan.

Qabashadiisa xilka ugu sareeya ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay caqabado badan horyaalaan labada sano ee u haray, sida qabyo tirka dastuurka, arrimaha doorashooyinka sanadka 2020 oo la doonayo in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod oo axsaab ku dhisan iyo arrimaha amniga oo ay ugu weyn tahay la dagaalanka Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay maamulkaas.