USA: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Columbus.

Kooxo hubeysnaa ayaa Magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxa ay ku dileen Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muwaadiniinta la dilay ayaa magacyadoda lagu kala sheegay C/laahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay Muwaadiniintaan ayaa lagu dhax dilay gaari ay wateen iyaga oo ku sugan Magaalada Columbus.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Magaaladda Columbus ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku dhigaan ragii ka dambeeyay dilka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool USA ayaa walaac ka muujiyay Arintaan waxayna isugu baaqayn in taxadir xoog leh la muujiyo maadaama ay soo kordhayn weeraro ka dhan ah Soomaalida.