USA: 20 jir Soomaali ah Oo Dhameystay Xabsi 6 Sano Ah Oo Xukun Kale Lagu Riday

Maxamed Cali Maxamed oo isagoo 14-snno jir lagu helay inuu Tooreey ku kufsaday 2 Haween ah ayaa la sheegay inuu soo dhamaystay 6-sanno oo lagu hayey Xabsiga Dadka aan qaan-gaarka ahayn.

Wargeyska The Salt Lake Tribune  ee ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa qoray in Eedeysanaha oo haatan 20-jir ah uu u sheegay Garsoore Maxkamadeed isbuucii la soo dhaafay inuu ahaa “Xayawaan” markii uu Kufsigaasi geystay sannadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu waxa badan soo bartay, isla markaana uu haatan diyaar u yahay inuu muujiyo inuu noqday qof kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Garsoore Vernice Trease waxay ku xukuntay Eedeysanaha in toddobaadkiiba mar yimaado Xarumaha Boliska si loola socdo, inuusan isticmaali Karin Internet-ka iyo in in qalabka wax lagu ilaaleeyo looga xiro Qoobka muddo 5 sanno.

Waxay intaasi ku dartay haddii uu ku xad-gudby Awaamiirtaasi in uu Xabsi muteysan doono.