USA: 2 Nin oo taageero u ahaa Daacish oo Maxkamad la soo taagay

Maxkmadda Magaalada Chicago Illinois ee dalka Maraykanka ayaa la soo taagay labo nin oo ku eedaysan inay taaeero u ahaayeen kooxda daaciish,
Joseph D. Jones oo loo yaqaano “Yusuf Abdulhaq,” iyo Edward Schimenti oo isna loo yaqaano “Abdul Wali” ayaa lagu soo eedeeyay inay damacsanaayeen ka mid noqoshada urur ka Daacish.
Mid ka mid ah labadan Nin ayaa lagu soo eedeeyay inuu  meel fagare ah ka sheegay inuu jeclaan lahaa in mar uun  uu arko Calanka Kooxda Daacish oo ka babanaya Aqalka Cad ee looga aramiyo dalka Maraykanka, Sidoo kale ayaa Waxaa maxkamada la hor keenay sawiro ay isku sawireen Calanka astaanta u ah kooxdaas,

Maalinimada Isniinta ayaa lagu wadaa in kiiska labadan nin si fiican loo dhagaysto sidoo kalana ay maxkamaddu go’aan ka gaarto,

©Goobsan Media