Ururka Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamo Kenyaan ah

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada Kenya, xilli ciidamadan ay ku sugnaayeen meel aanan ka fogeyn deegaanka Dhamase ee ku yaalo nawaaxiga Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Ciidamada Kenya oo ku guda jira jarista dhir ku taal dhul hawd ah oo ciidamada ay aaminsanaayeen Shabaab inay gabaad u aheyd ayaa mar kaliya waxa ay la kulmeen ciidanka weerar abaabulan oo kaga yimid dhanka Ururka Shabaab.

Ciidamada Kenya iyo Shabaab ayaa isku fara saaray deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya inay halkaasi ku gubeen, waxayn sheegeen ku dhawaad 5 gaadiidka dagaalka ay isticmaalaan ciidanka KDF inay deegaankaasi ku gubeen.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay inay dileen Taliyihii ciidamadaasi watay oo ku geeriyooday sida Shabaabka ay sheegteen weerarka ay ku qaadeen Kolonyada gaadiidka Ciidamada Kenya ay wateen ee dhulka ka jaraayay dhirta.

Saraakiisha Kenya dhankooda wax war ah kama soo bixin oo ku aadan weerarkaan ciidamada Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Kenya iyo sheegashada Shabaabka ah ee askar badan inay ku dileen dagaalka.

Xoogaga Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan gudaha dalka Kenya iyo deeganada ku xeeran xuduuda labada dal.