Weeraryahanka kooxda PSG Neymar, ayaa ka mid noqday dadka ay doonneyso kooxda xagjirka ah ee Daacish.
Waxaa barraha bulshadda si weyn u qabsaday sawirr ay kooxda Daacish ka sameysay labbo xiddig kuwaas oo kala ah Neymar iyo Messi.
Muqaalka sawirrka ayaa u muuqanayay Messi oo la dilay iyo Neymar oo markaas la dilayo.
War koobban oo lagu qoray twitter-ka kooxda ayaa lagu sheegay in xiddigahaan lagu bartilmaameedsan doonno koobka adduunka ee sannadka dambe lagu qabban doonno dalka Ruush-ka.
Wax war ah kama soo bixin ciyaartooyda loo hanjabay ilaa iyo hadana lama oga sababta ay u bar-tilmaamedsanayaan labadan ciyaariyahan oo kaliya.