UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 7 sano oo Xabsi ah

Maxkamadda Magaalada Swindon ee Dalka Ingiriiska ayaa waxa ay 7 sano oo Xabsi ah ku ridday Mahad Xasan oo ah Soomaali 23 jir ah.

Mahad ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa middiyeynta Gabar u dhalatay UK.

Wiilka Soomaaliga ah ayaa ku doodayay in wiil saaxiib la ah Gabadha ku lahaa £30, oo lacagta Ingiriiska ah.

Wiilkaan ayaa waxaa uu Gabadha middida kaga dhuftay caloosha.

Nina Austin, oo 39 jir ah ayaa qalliin looga sameeyay Caloosha waxaana ay isbitaalka ku jirtay dhowr todobaad,waxaa ay sheegtay in markii uu labo jeer middida caloosha kaga dhuftay ay dhulka ku dhacday kaddibna uu ka tagay.

Tom Copeland, oo ah Qareenka u doodaya Mahad ayaa sheegay in uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Qareenku waxaa kale oo uu sheegay in Mahad uusan dambiyo hore uga gelin Ingiriiska sidaas darteedna falkan ka dhacay loo baahanyahay in si dhex dhexaadnimo ah loo wajaho.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ayaa ku xukuntay Mahad Xasan 7 Sano oo xabsi ah.