Tuug geeriyooday asagoo fal xatooya ah ku jira arin qatar ah oo qabsatay darteed (Sawiro)

Tuug u geeriyooday koronto lagu xiray guri albaabkiis ayaa waxay noqotay mid muran ka dhalisay Gobolka Kogi taas oo dadka baraha bulshada ay isku dhaafsanayeen erayo kala duwan.

Booliska Gobolka  Kogi ee dalka Nigeria ayaa ka gaabsaday dhacdadan ayadoona dadka degaanku ay dhaleeceeyeen qoyska  gurigooda ku xiray korontada.

Ninkaan tuuga ah ayaa damacsanaa inuu guriga ka boodo balse nasiib daro koronto lagu xiray guriga dhinaciisa ayaa qabsatay waana u geeriyooday.

Milkiilaha guriga korontada lagu xiray ayaa sheegay inuu tuuga ugaarsanaayay hantidiisa balse si lamid ah ayaan anigana tuuga ugaarsanayay.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegeen inay arintaani Qatar ku tahay Caruurta yar yar iyo dadka aan ogeen inay halkaasi leedahay koronto.