Turkiya Oo Qaadatay Go’aan Ka Farxiyay Dowlada Soomaaliy

Dowlada dalka Turky-ga ayaa sheegtay in ay ku soo biireyso dagaalka lagula jira xarakada al-shabaab iyadoo sidoo kale magaalada Mogadishu si rasmi ah ugu furi doonto bisha April saldhig military oo aad u baaxad weyn kaa oo in muddo ah dhismihiisu uu socday.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso 500 oo ciidan sanadkan si ay dagaal ula galaan Xarakada Al shabaab iyadoo xustay in lacag $50 million ah ay ugu baxeyso Saldhiga militri ee laga furayo magaalada Mogadishu.

Dagaalada dalka ka socda ee Xarakada Al shabaab lagula jiro oo sidoo kale ku laamansan saddex sano oo abaaro ah ayaa dowlada turkiga waxa ay sheegtay in uu cuuryaamay dhaqaalaha dalka Somalia.

Xarunta magaalada Mogadishu ayaa la sheegay in ay yeelaneyso saddex xero military oo ku dhex sameesan oo cabirkeeda gaarayo 400 oo hectar kuwaa oo deris la ah garoonka diyaaradaha aadan adde ee magaalada Mogadishu iyo dakedda weyn ee Mogadishu.

Dowlada turkiga ayaa tan iyo sanadii 2011-kii dalka soomaaliya waxa ay ka fulisay mashaariic horumarineed iyadoo dhistay wadooyin xarumo caafimaad iyadoo sidoo kale ka qeyb qaatada xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira