Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga ee Republican People’s Party ayaa ku baaqay in baarlamaanka dalkaasi ay u saaraan guddi baara in gabdhaha iyaga oo aadka u da’yar la guurasanayo.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii hay’ada awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Turkiga ay sheegtay in sida sharciga islamka uu dhigayo la guursan karo gabdhaha 9 jirka ah.
Hadalka ka soo baxay golaha fulinta ee arrimaha diinta ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan.
Kooxaha u ololeeya arrimaha haweenka ayaa si wayn ugu canbareeyay baraha bulshjada arrintani.
Golaha fulinta ee arrimaha diinta ayaa dhankooda iska fogeeyay murankan,waxa ayna sheegeen in ay qeexayeen oo kali ah sharciga Islamka.
Waxa ay golahu sheegeen in aysan ansixin guurka la guursado gabdhaha yaryar.
Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in haddii ay gabadhu gaarto 17 sano ay guursan karto balse uu guurkaasi dhacayo oo kali ah marka ay waalidiinta aqbalaan.
Laakiin kiisaska qaar maxkamadaha ayaa fasaxi kara in gabdhaha 16 jirka ah la guursado.